Ashraf Ghani oo loo dhaariyey madaxweynaha Afghanistan

Read Time:1 Minute, 18 Second

Mareeg.com: Waxaa maanta oo isniin ah magaalada Kabul ee caasimada Afghanistan ka dhacday munaasabada dhaarinta Madaxweynaha cusub ee dowlada Afghanistaan, Asharaf Ghani. Waxa uu badalay Hamid Karzai, oo dalkaasi ka talinayey tan iyo sanadkii 2002-dii.

Madaxweyne Asharaf Ghani ayaa loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Afghanistaan, halka murashaxii la tartamayey Cabdullah Cabdullah loo dhaariyey Madaxa Fulinta ee xukuumada (Chief executive), waxaa sidoo kale xilka loo dhaariyey labo Madaxweyne kuxigeen.

Hogaamiyayaashan ayaa laga sugayaa inay soo dhisaan dowlad Midnimo Qaran, wallow aan la aqoon sida ay u wada shaqeyn doonaan labadan hogaamiye oo sadexdii bilood ee lasoo dhaafay si weyn isugu heystay natiijadii doorashooyinka.

Madaxweynaha Xilka ka degay Xamiid Karzaay oo khudbadii xil wareejinta kasoo jeediyey munaasabada ayaa sheegay in 13 sano uu xilka soo hayey isla markaana ay ka horyimaadeen caqabado badan balse uu xooga saaray Midnimada Wadanka Afghanistan.

Madaxweyne Ghani, ayaa shir gudoomin doonaa kulamada caadiga ah ee gollaha wasiirada, Dr Abdullah ayaa waxa uu soo magacaabi doonaa kala bar xilalka ugu sareeya shaqooyinka dowladda, walow uu go’aanka ugu danbeeyo leeyahay madaxweynaha.

Isbaheysigan ayaa waxaa sameyntiisa gacan ka geystay xog-hayaha arrimaha dibada ee Mareykanka John Kerry, si uusan dhiig ugu daadan natiijadii doorashadii lagu murmay.

Dib u dhacan ayaa waxa uu cuuryaamiyay dhaqaalaha dalkaasi, isagoo sidoo kalana faarujiyay khasnada dowladda, waxa uuna dhiira geliyey kooxda Taliban, kuwaas oo sii kordhiyey weeraradooda tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001-dii. Madaxweyne Ghani ayaa waxaa horyaalo shaqa adag.

Dowlada Afghanistan ayaa codsatay in ka badan $500 milyan oo dollar oo dib loogu kiciyo dhaqaalaha iyo ganacsiga wadanaasi.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.