Arrin Yaab Leh Oo Muqdisho Ka Dhacday Kadib Askari

Askarigaan ayaa xalay waxa uu isku-dilay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir,waxana la sheegay in uu xabad isku-dhuftay.

Ehelada Askariga ayaa waxa ay sheegeen in Askariga uu Bustoolad uu  ku ciyaariyeyis ay ku fakatay,isla markaana Madaxa ay ka fariisatay xabadii.

Intaasi ka dib dhaawaca askariga ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee M/Muqdisho si loogu daweeyo,waxana xilligaasi ay Dhaqaatiirtu sheegeen in wax qaliin ah aan la sameyn Karin.

Ehelada qaarkood ayaa inoo sheegay in Dhaqaatiirta Isbitaalka ay ka diideen in ay Wiilkooda la baxaan xilligaas si goobo kale oo Caafimaad u geeyaan taas oo keentay in uu isla xalay ku geeriyoodo Gudaha Isbitaalka Madiina.

Billihii u dambeeyey ayaa waxaa dalka ku soo batay dadka is- dilaya waxaana dhawaan Muqdisho ka dhacay dhowr qof oo iyaga Gacantooda isku-dilay.