Mareeg Media
Somalia

Arday lagu dhex dilay Iskuul ku yaalla Baladweyne

46

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxayaan Arday lagu dhex dilay Iskuul uu wax ku baranayay oo ku yaalla Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa timid kadib markii mid ka mid ah Ardayda Iskuulka Mujamac uu ku dhex tooreeyey Arday ay Iskuulka wada dhiganayeen,isla markaana dhaawiciisa la geeyey Goob Caafimaad oo ku taalla Baladweyne ugu dambeena uu waayay dhiig joojin una geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Wariye ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa  sheegay in  Ardayda wax ka barata Iskuulka falka uu ka dhacay ay dhigeen dibadbax ay uga cabanayeen daawo la’aanta ka jirta magaalada Beledweyne.

Ardayga la dilay ayaa dhiganayay fasalka 3aad ee dugsiga sare, waxaana xilliga uu falka dhacay la fasaxay dhamaan ardaydii Iskuulka, iyada oo Maamulka Iskuulka iyo Ardayda ay aad uga naxeen dilka ardaygaasi loogu dhex geystay Iskuulka uu waxka baranayay.

Dhacdada ka dhacday Magaalada Baladweyne ayaa ah mid ku cusub,waxaana Maanta aad looga hadal hayaa Magaalda Baladweyne iyo guud ahaan Soomaaliya.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!