Mareeg.com: Hay’adda DRC ee dalka Denmark ayaa deeq waxbarasho siisay 125 arday oo ka qalin jabisay dugsiyada sare ee ku yaalla xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.
Ardayda oo ka kooban wiilal iyo gabdho ayaa wax ka baran doona jaamacadaha ku yaalla isla dalka Kenya.
Guddoomiyaha dhallinyarada xerada qaxootiga Xagardheer, Abshiro Xasan Cumar ayaa sheegtay in deeqdu aysan dabooli Karin baahida waxbarasho ee ka jirta xeryaha Dhadhaab.
Hay’adaha samafalka ee ka hawlgala xeryaha ayay ka codsatay inay deeq waxbarasho iyo tababarro u fidiyaan ardayda ka baxday dugsiyada sare ee qaxootiga ee aan awoodin inay sii wataan waxbarashada.
Waxay tilmaantay inuu halis ku jiro mustaqbalka ardayda ka baxda dugsiyada waxbarasho ee xeryahaas, ayna u baahan yihiin deeq waxbarasho iyo tababarro u sahli kara inay yeeshaan xirfado ay ku maareeyaan noloshooda.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.