Arday jajabisay  iskuulo ku yaala Muqdisho kadib markii la badalay imtixaan ay qishkiisa heleen

Read Time:44 Second

Muqdisho (Mareeg News ) Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay dhigeen qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiyada sare ee Degmada.

Ardeyda ayaa ka cabanayay Imtixaan ay Qishkiisa heleen oo la beddelay,waxaana ay bur burin kula dhaqaaqeen iskuullada ay wax ka baranayeen oo gaaraya ilaa saddex Iskuul.

Mid ka mid ah Macallimiinta Ardeydaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah Macallimiinta ay wax yeello soo gaartay iyada oo sidoo kale ardeyda ay bur buriyeen qalabkii iskuullada.

Macallinka la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ardey gaareysa ilaa 3,000 oo Ardey ay falkaas ku dhaqaaqeen,iyada oo uu intaas ku daray in Iskuullo kale ay damacsanyihiin.

Iskuullada ilaa hadda ay waxyeellada soo gaartay ayuu ku kala sheegay Dhame Yaasiin Cartan, iyo Dugsiga Dharkeynley lagu magacaabo.
Arintan ayaa ugub ku ah magaalada muqdisho gaar ahaan dugsiyada waxbarashada.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %