Arday dhintay &141 ku dhaawacmay Jamacada Nairobi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Arday dhintay &141 ku dhaawacmay Jamacada Nairobi

Mareeg.com: Arday dhiganayey sanadka 4-aad ee Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya ayaa dhintay 141 kalana wey dhaawacmeen kadib markii maanta arday badan isku buurteen gudaha Jaamacadda, qaarka iska tuureen daarta.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay gudaha Jaamacadda (University of Nairobi’s Kikuyu Campus) ka qaraxday koronto, ardaynu u qaateen in Alshabaab weerartay Jaamacadda.

Gudoomiye ku xigeenka Jamaacadda Nairobi, Prof Peter Mibithi ayaa wargeyska The Standard u sheegay iney dhaawacmeen 141 kale.

Prof Peter Mibithi ayaa sheegay 99 ka mid ah la dhigay isbitaalka Kenyatta National Hospital, 1 ka mid ahna la dhigay Karen Hospital, halka 37 kale la dhigay Kikuyu Hospital, halka 4 kalana dhaawacoodu noqday mid fudud.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ardayda ay ka boodeen dabaqa 6-aad ee Jaamacadda Nairobi, taasoo keentay in jajabaan.

Ardayda ayaa markii ay maqleen qaraxa u qaatay in Alshabaab soo weerareen Jaamacadda.

Alshabaab ayaa dhawaan weerar culus ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, waxeyna halkaas ku dileen in ka badan 140 arday.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!