
Muqdisho ( Mareeg News ) Madaxweyne maxamed cabdullahi farmaajo ayaa wuxu u diyaarinaya inuu u magacaabo gudoomiyaha gobalka banaadir shaqsi ay saxiibo dhawyihiin kana soo wada shaqeyeen dalka mareykanka.
Dr mohamed Abdi Oo Beel ahaan U dhashay abgaal ,waceysle ,maxaacade, kana mid ahaa shaqalaha dowlada hoose ee washiton ,Dr mohamed waxaa lagu war galiyay in uu dalka dib uugu so laabto si gobalka loogu magacaabo.
Markii uu bilawday isu dhaca madaxtoyada iyo gudomiyihii hore thabit cabdi, durba si kumel gaar ah aya Eng yariisow logu magacabay iyado loga hortagaayo dhaqdhaqaa uu waday gudoomiye thabit.
Dr mohamed aya hada la qorshenayaa in lagu badalo Eng yariisow, wuxu shaqada dowlada hose ee mareykanka kaso ruqseestay 10march ,isagoo magalada muqdisho kusoo labtay dabayaqada bishii march ee 2018.
Dr Waxuu kulamo aan caadi aheyn la qaatay madaxweynaha iyo Raisul wasaraha, waxuuna u kictimay magalada Nairobi ee dalka kenya oo ilaa iyo hada ku maqanyahay Dr. mohamed Abdi.
waxa lafilaya malmaha so socda in uu muqdisho dib uugu so laabto si loogu magacaabo Gudoomiyaha Gobalka banaadir.