Aqriso:- Qodobada Ay kawada Hadleen Madaxda Dowladaha Kenya iyo Ethiopia & Sidee u arkaan Xaalada soomaaliya

Read Time:47 Second

Neyrobi ( mareeg News ) Ra`iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abi Ahmed oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka ayaa madaxweynaha dalka Kenya kala hadlay arimo ku aadan dalkeena Soomaaliya.



Waxyaabaha ey isla soo qaadeen labada hogaamiye waxaa ugu waaweynaa xaaladda Ciidamda Midawga Afrika ee AMISOM ey ku shaqeeyaan, Khatarta Alshabaab ee Gobolka, Iyo Khilaafka ka dhex taagan dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.

War murtiyeed si wadajira ay usoo saareen Abi Axmed Iyo Uhuru Kenyaatta ayaa waxaa ay ku sheegeen in Khatarka Alshabaab ee gobolka aan la dhayal-sankarin loona baahanyahay in labada dowladood ay iska kaashadaan iska caabinta xaaladaasi adag.



Waxa ay qireen awoodda Alshabaab ee Gobolka iyaga oo hoosta ka xariiqay in xilligan ey muhiimtahay in il gooni ah ay ku eegaan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Dhanka kale war mutiyeedkan waxaa looga hadlay AMISOM waxayna isla garteen labada hogaamiye sida lagu sheegay bayaaanka in lasii xoojiyo taageerada Ciidamda AMISOM.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %