Aqriso:- Magacyada Xildhibaanada U taagaan Qabashada Xilka Gudoomiyaha BF Soomaaliya
Muqdisho (Mareeg News ) Shan musharax oo u taagan qabashada kuriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta is diiwaan geliyeen sida ay cadeeyeen Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ee la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay.
Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxay kala yihiin:-
1-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow
2-Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed
3-Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)
4-Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
5-Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada musharaxiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin inay heystaan oo keliya maalinta beri ah.
Shanta xubnood ee maanta loo diiwaan geliyey tartanka doorashada gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa ku jira labo xubnood oo ka tirsanaa golaha wasiirada Somalia balse iska casilay ka dib markii guddiga doorashada ay sheegeen in qof xil wasiir haya uusan u tartami karin Kurisga Gudoonka Golaha shacabka.
Comments are closed.