Aqriso:- kulanka Aqalka sare oo u baaqday arin lama filaan ah & walaac amni daro oo ka taagan. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Aqriso:- kulanka Aqalka sare oo u baaqday arin lama filaan ah & walaac amni daro oo ka taagan.

muqdisho ( mareeg news ) Kulamada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramaya iney hakad galeen maalmihii lasoo dhaafay waxaana jirta sababo kala duwan oo arinkaas loo dhigay.

Aqalka Sare ayaa u muuqda mid shaqo ahaan fadhiid ah ,waxaase hada wax walba ka darnaaday in kulamadii ay u baaqdeen kooram la’an, dadka qaar arrintaan waxaa ay u arkaan siyaasad, laakiin shabakada Mareeg News ayaa ogaatay iney jirto daruuf amni oo arrintaan sababtay.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa la sheegay iney cabsi uga baaqdeen kulamada Goobtan waxaa ilaaliya ciidamada nabada sugida Soomaaliya ee loo yaqaano Nisa ,laakiin xubnaha Aqalka Sare kuma kalsoona ciidamadaas.

Hirka Baarlamaanka: Ma kheyra buu qaadi doonaa, mise Ducaale ayuu uga dabaalan doonnaa ?

Waxaa uu gudoonka Aqalka sare codsaday in loo keeno ciidamo xoogan oo ay ku jiraan kuwa Amisom, laakiin waxaa arintaas diiday agaasime kuxigeenka Nisa, Fahad Yaasiin.

Shalay ciidamo isku dayay iney la wareegaan xarunta aqalka sare ayaa waxaa jidgooyo u dhigay ciidamada Nisa oo diiday iney u gudbaan dhanka xarunta Aqalka sare. Amarkas waxaa la heegay inuu bixiyay Fahad Taasin.

Xubnaha Aqalka sare waxaa ay sheegeen in aaney tagi doonin xarunta inta laga xaqiijinaayo amniga goobta, waxaana ay ku doodayaan iney xubno Al Shabaab ah ku jiraan gudaha ciidamada Nisa.

Baaqashada kulamada Aqalka sare ayaa dib u dhigi doonta in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulada Soomaaliya.

Maxaa Sababay khilafka kadhexeeya Hey’ad ka howlgasha Garoonka Aadan cade iyo Shaqaalaheeda

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!