AQRISO: Ergada Gud.Jawaari Afar qodob Ay hordhigeen Madaxweyne Farmaajo & Hal qodab oo Uu Kafuliyay
Muqdisho ( mareeg news ) xalay waqti dheer eey isla gaareen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka mudane farmaajo iyo gudoomiyaha golaha shacabka mudane jawaari ayeey labada masuule isku afgartayn in mooshinka la guda galo.
Qodabada Ay Ergada Gud. jawaari hordhigeen mud. Farmaajo Ayaa kala ah
1- In Magaalada laga qaado Ciidanka Haree reeysan Laguna badali ciidan Boliis ah.
2- In Mooshinka laguda galo Meel dhex dhexaad ahna lagu qabto.
3- In Codka Noqdo Mid Qarsoodi ah sida Uu qabo Dastuutka.
4- in lagu wada qanco waxa kasoo baxa Sanduuqa laguna wada shaqeeyo.
Faragelinta Qaramada midoibay ayaa la rumeysanyahay ineey wax badan ka badashay Mowqifyadii adkaa ee Kheyre Iyo farmaajo.
wasaarada aminaga oo la faray ineey Fuliso qodobka dhica ciidanka ayaa Magaalada muqdisho ka qaaday ciidankii xasilinta waxeeyna ku badashay ciidama Boliis ah qodobada kale ayaa la filayaa ineey hir galaan maalmaha soo aadan.
ugu danbeyn xubanha la magacaabay ee labada dhinac ayaa hor taalla shaqo aad u adag madama laga dhursagayo iyaga iminka.
Comments are closed.