
Kulankii 2-aad ee Wada-tashiga Golaha Qaranka ayaa waxaa maqribnimaddii caawa lagu soo gebagebeeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana laga so osaaray War-murtiyeed ka kooban 7 qoddob.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Odawaa’ ayaa Suxufiyiinta u akhriyey Qoddobadda ay isku waafaqeen Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda oo iyagu muddo 3 maalmood ah Kulamo ka lahaa Nidaamka Doorashadda iyo Dowladda cusub ee sannadka 2016-ka.
War-murtiyeedka oo ka koobnaa 7 qoddob ayaa kala ahaa:-
Inaan wax muddo kordhin ah loo samayn karin Hay’adaha Dowladda Federalka, marka uu dhamaado mudada Dastuuriga ah ee Hay’adaha DowladdaIn la dhiso laba Aqal ee Sharci-dejinta ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ioo qeyb ka noqonaya Doorashada ka dhici doonto sannadka 2016In habka Awood-qeysbiga lagu saleeyo Qaabka Deegaanka iyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5In Aqalka Sare lagu soo doorto hab Deegaan iyo in Aqalka Hoose lagu soo dhiso Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5Inay Doorashada xubnaha Labada Gole ka dhacaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada Dalka.In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo Labada Gole ee la dhisi doono, lana dhowro xuquuqda dhalinyaradda iyo Beelaha laga tirada badan yahayIn bisha Janaayo 10-da ee sannadka soo socda lagu qabto shir Wada-tashi
magaalada Kismaayo, oo looga hadlayo Faahfaahinta nidaamka Fulinta ee Doorashadda 2016-ka.