Aqoonyahannadda Beesha Wacaysle oo ku gacan-sayray Guddi la magacaabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Aqoonyahannadda Beesha Wacaysle oo ku gacan-sayray Guddi la magacaabay

Mareeg.com-Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin, Waxgarad ka tirsan Beesha Wacaysle oo ku nool dalalka Caalamka ayaa gaashaanka ku dhuftay inay aqoonsadaan Guddi ka kooban 18-qof oo ay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beesha dhawaan magacaabeen.

Aqoonyahanadda Beeshaasi ee ku  nool Caalamka, oo xiriir la soo sameeyey Dalsan Radio ayaa waxay sheegeen  in aysan Beesha Wacaysle u wada dhamayn Guddigaas, isla markaana uu Guddigaasi yahay mid la dhoodhoobay oo aan ka turjumaynin Danaha iyo Midnimadda Beesha Wacaysle.

Aqoonyahannadda waxay ku doodeen  inuusan Guddigaasi isku dheelitirnayn, isla markaana ay ka maqan yihiin afarta jufo ee Dhaqan ahaan karaamadda ku dhex leh Beesha,Wacaysle, kuwaasi oo  kala ah:-
1.Curudka Beesha Wacaysle, C/raxmaan Saleebaan
2.Dhega-weyne Cumar
3.Haaruun Wacaysle
4.Faqay oo ah yaraanka Wacaysle.
Aqoonyahannadda waxaa tilmaameen inay  Guddigaasi  abuuri karaan in Beesha Wacayle la kala qeybiyo iyo in khilaaf laga dhex abuuro dadka Walaalaha ee isku deegaanka ah.
Aqoonyahannadda waxay ku baaqeen in la dhiso Guddi Xalaal ah oo si caddaalad loo qeybsado, isla markaana  loo madax-bannaaneeyo Hawlaha loo idmanayo iyo inay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM kala shaqeeyaan si aan tacadiyo iyo gaboodfal loogu geysanin dadka ku nool deegaanadda ay Beesha Wacaysle deggaan oo ay Ciiddamaddu ku wajahan yihiin..
Aqoonyahannadda waxay kaloo ugu baaqeen Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku wajahan Deegaanadda ay Beesha Wacaysle deggan yihiin  inay xushmeeyaan isla markaana aysan ku xad-gudbin dadka Deegaanka oo iyagu horey dhibaatooyin iyo caburin kala kulmay Xarakadda Alshabaab.
Waxay kaloo Aqoonyahannadda carrabka ku adkeeyeen inay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM la xiriiraan dadka Deegaanka oo ay Talada ka go’do, lana dhowro xuquuqda dadka iyo deegaanka ay Beesha Wacaysle ku nool yihiin, oo aan marnaba laga taageersanayn Aydhoolajiyadda Alshabaab.
Xog hoose oo ay Dalsan Radio xooraansatay ayaa waxa Guddigaas Guddoomiye looga dhigay Guddoomiyihii hore ee Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Wacaysle, Maxamed Cabdi Shido, kaasi oo ay Beesha horey xilka Dhaqanka uga xayuubiyeen.
Maxamed Cabdi Shido, waxa uu hanti iyo gaadiid ka tacbaday markii uu si musuqmaasaq iyo laaluush-qaadasho leh u soo  magacaabay saddexda Xildhibaan ee Beesha Wacaysle ugu jira Barlamaanka oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mid ahaa.
Dhanka kale, Aqoonyahanadda, Ganacsatadda iyo Waxgaradka ka soo jeeda Jufadda Absuge Khonbar ee BeeshaWacaysle waxay si gaar ah u sheegeen in Maxamed Cabsi Shido iyo C/llaahi Shiino oo ka tirsan Guddiga la dhoodhoobay aysan wakiil ka ahayn, kuna hadli Karin magaca Jufadda Absuge Khonbar.

Si kastaba ha ahaatee, Guddigan la dhoodhoobay ayaan haysanin kalsoonidda guud ee Beesha Wacaysle, maadaama Curudka Beesha, C/raxmaan Saleebaan iyo Yaraanka Beesha Faqay ka maqan yihiin Guddigaasi, waxayna  Labadaa Jufo dhaqan ahaan Karaamo weyn ku dhex leeyihiin Beesha Wacaysle Xigasho dalsanradio

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.