Aqalka Sare Oo 3 Cisho u qabtay madaxweynaha Iyo Fariin Adag Oo Loodiray RW kheyre

Read Time:41 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa go’aan ka soo saaray warbixinadii safaradii wafuuda Aqalka Sare ku tageen maamul goboleedyada, si ay ugu kuur galaan khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo tabashooyinka ay qabeen.

Go’aan ka soo baxay Aqalka sare ayaa loogu baaqay Madaxweynaha in muddo saddex cisho gudahood uu ku soo gudbiyo jawaabtii laga sugayay ee ku saabsan inuu diyaar u yahay wada xaajoodka uu garwadeenka ka yahay Aqalka sare.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa iyana laga dalbaday in saddex cisho gudahood jawaabaha ku aadan tabashooyinka laga soo uruurinayay xarumaha dowlad goboleedyada ee lala wadaagay.

Aqalka Sare ayaa sheegay in go’aan cad ay Ka qaasab doonaan aragtidooda ku aadan khilaafka hada jira, hadii Madaxweynaha iyo Xukuumadda ku guuldareystaan inay jawaab ay ka sugayaan soo gudbin waayaan

Akhriso war saxaafadeedka Aqalka Sare.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %