Annadif Oo Ka Hadlay Ciidamada Isku Dahfka Ah Ee Midowga Afrika Geynayo Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Annadif Oo Ka Hadlay Ciidamada Isku Dahfka Ah Ee Midowga Afrika Geynayo Kismaayo

Muqdisho – Mareeg.com: Midowga Afrika ayaa maanta ka hadlay dalalka ay kazoo kala jeedan ciidamada isku dhafka ah ee AMISOM ee ka howlgelaya magaalada Kismaayo ee xarrunta Jubada Hoose.

Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya Maxamed Salleh Annadif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay balaarineyso howlgallada ay sameyneyso Jubooyinka iyo gobollada kale ee Soiomaaliya.

Anadif ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya aysan ka bixi doonin Gobalada Jubbooyinka, wuxuuna xusay in ciidamo horleh oo ka tirsan howlgalka AMISOM lagu biirinayo kuwa haatan ku sugan Jubooyinka.

Danjire Annadif ayaa sheegay in ciidamada lagu biirinayo howlgalka AMISOM ee Jubooyinka ay kala yihiin ciidan ka socda dowladda Burundi, Booliis ka socda dalka Nigeria, qeyb ka mid ah ciidamada Kenya iyo ciidamo kale oo ka socda dowladda Sierra Leone.

Wuxuu sheegay Annadif in ciidamada ka kala socda dalalkaas ay hoos imaan dooonaan Sarkaaal sare oo u dhashay dalka Sierra Leone.

Madaxa ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya Anadif waxa kaloo uu sheegay in muddo labo bilood gudahooda ay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri ay maqli doonaan wax ay ku farxaan.
Mohamet Salleh Annadif sheegay in in goor dhow dalka Soomaaliya uu noqon doono meel ka caaggan Alshabaab, sid auu yiri.

Midowga Afrika ayaa dhawaan go’aamiyey in inta badan ciidamada Kenya ka baxaan Kismaayo, islamarkaana halkaas ugu haraan tiro yar oo ilaa 200 oo askari ah, badelkoodana ay galaan ciidamo ka socda Burundi iyo Sierra Leone.

Afhayeenka cusub ee ciidamada Kenya Col. Willy Wesonga ayaa sheegay in ciidamada Kenya marka ay ka bvaxaan magaalada Kismaayo ay u dhaqaaqi doonaan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo mid ka ah 3-da gobo lee loo dhisay maamulka Juba.

Afhayeenka oo la hadlay saxaafadda Kenya ayaa sheegay in ay bilaabeen ciidamada Kenya ka bixitaankooda Kismaayo, wuxuuna tilmaamay in qorshuhu yahay iney isku fidiyaan degaano hor leh oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

“Qorshaha degsan waa in ciidamada Kenya ka baxaan Kismaayo iyagoo isku sii fidinaya deegaanada sare ee maamulka Juba…”ayuu yiri Col. Willy Wesonga oo wareysi siiyey jariirada wargeyska The Standard ee kasoo baxda dalka Kenya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!