Amniga Boosaaso oo xumaadey & dil ka dhac

Read Time:43 Second

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay xalay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka sameeyeen howlgal dad badan laguqabqabtey,kadib dil halkaasi ka dhacay.

Rag hubeysan ayaa xalay Boosaaso waxaa ay ku dileen guddoomiyhii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Maxamad Quurshe,iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsadeen.

Ciidamada ayaa dad ku sugan Boosaaso waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qab qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo la sheegay in la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in dadka la qabtay badankood la siidaayey,isla markaana kuwo la tuhmayo baaritaan lagu sameyn doono,kuwaas oo ku jira Saldhiga Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga xun Puntland,waxaana ka dhaca dilal loo geysto mas’uuliyiin iyo askar ka tirsan Ciidamada Puntland.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %