Ammaanka Magaalada Muqdisho Oo Aad Loo Adkeeyay

Read Time:42 Second

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo laga duulayo ka hortagga weeraro Ururka Al Shabaab ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahin, ayaa sheegay Ciidamada ammaanka inay kordhiyeen hawlgalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena lagu hubinaayo gaadiidka Magaalada.

Wuxuu sheegay qorshaha adkeynta ammaanka Muqdisho inuu salka ku haayo si looga hortago weeraro Al Shabaab ay la eegtaan goobaha ganacsiga ee Magaalada gudaheeda ku yaallo.

Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka taagan ciriiri xoogan oo ku aadan in gaadiidka si wayn loo baaro, waxaana sidoo kale jirta in Koontaroolo badan Magaalada gudaheeda ay dhex yaalaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay shacabka Soomaaliyed in laga doonaayo Wasaaradda Amniga inay ku soo wargeliyaan dadka ay ku arkaan iyaga oo ku guda jira falal ka dhan ah ammaanka.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %