AMISOM: Waxaan weerarnay labo xero oo Alshabaab ku leeyihiin Jubada Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM: Waxaan weerarnay labo xero oo Alshabaab ku leeyihiin Jubada Hoose

Mareeg.com: War kazoo baxay Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadu weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanka Birta-dheer ee duleedka Kismaayo.

Warka kazoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidanka AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka ay howlgalka fuliyeen, ayna beegsadeen laba xero oo ay deegaannadaas ku lahaayeen.

“Xeryaha la weeraray waa kuwii ay isugu yimaadeen saraakiisha iyo xoogag Al-shabaab ka tirsan, kaddib markii ay kasoo carareen degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose oo AMISOM ay ku wajahan tahay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warka AMISOM ayaa lagu sheegay intii uu howlgalku socday in lagu dilay xubno badan oo Al-shabaab k tirsan oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajnabi ah, tiro kelana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray; sidoo kalena lagu burburiyay labadii xero oo ahaa meel ay isku urursanayeen.

“Howlgalkan oo dhcay shalay wuxuu qayb ka yahay howlgallada ay AMISOM kawaddo Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay ciidamada AMISOM ee gobolka Jubbada Hoose ku sugan iyo kuwa Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ma jiro war kazoo baxay Alshabaab oo ku saabsan sheegashada ciidamada AMISOM, waxaana howlgalka la sheegay kusoo beegmay xilli uu socdo Howlgala Badweynta Hindiya ee Alshabaab looga saaro qaar ka mid ah degmooyinka dalka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!