AMISOM: Waan fureynaa wadooyinka Alshabaab xireen

Read Time:47 Second

Mareeg.com: Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inuu dhawaan qaadayo howlgal lagu furayo wadooyinka gala degmooyinkii dhawaan Alshabaab laga saaray ee ururkaasi go’doomiyey.

Ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna ku-simaha madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto Mutende ayaa sheegtay inay raalli-gelin ka bixinayso dib u dhaca ku yimid codsigii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa in AMISOM ay furto waddooyin deegaannada ay go’doomisay Al-shabaab, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku dhihbaateysan deegaannadaas.

“Waxaan dhawaan billaabi doonnaa howlgallo aan Al-shabaab kaga saarayno deegaannada ay ku harsan yihiin, waddooyinkana waan furi doonnaa, si shacabka loo caawiyo,” ayay tiri Lydia Wanyoto.

Lydia Wanyoto Mutende ayaa sidoo kale sheegtay inay dar-dar-gelinayaan howlgalada lagula wareegayo deegaannada ay gacanta ku hayso Al-shabaab ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan weydiisatay AMISOM iney furto wadooyinka Alshabaab xireen ee gobollada dalka, iyadoo arintaas culeys dhaqaale ku keentay shacabka ku nool degmooyinkaas.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.