AMISOM: Shan magaalo ayaa Laga saaray Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM: Shan magaalo ayaa Laga saaray Alshabaab

Muqdisho – Mareeg.com: Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inay billowdeen howlgallo ay wadajir u fulinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo Al-Shabaab loogala wareegay magalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

War-saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Rabdhuurre, Yeed, Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo iyo deegaanno kale.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif  ayaa u mahadceliyey shacabka Soomaalida ee ku nool magaalooyinka laga qabsaday Alshabaab, kuwaas oo iskaashi iyo taageeraba  u muujiyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sida uu yiri.

Danjire Annadif ayaa ugu baaqay mar kale dhallinyarada ka tirsan Al-Shabaab in ay hubka dhigaan, kuna soo biiraan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay maamusho dowlada, isagoona sheegay in la soo dhoweyn doono.

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo miletari oo ay ku doonayaan dib ula wareegista deegaannada ay Al-Shabaab ku sugan tahay ka wada gobollada ay wax ka joogaan maleeshiyada.

Dagaaladda lagu qaaday deegaanada Alshabaab ka maamulaan ayaa sababay barkaca dad aad u farabadan xilli qorraxdu kulushahay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!