Amisom oo taageertay mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay shirarka Baydhabo

Muqdisho – Mareeg.com:  Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa taageertay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay shirar iska soo horjeeday oo maalamahaan ka socday Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay taageertay shirka lagu dhisayo maamulka sadde xgobol oo kala ah: Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo muujisay ineysan soo dhaweyneyn maamul 6 gobol ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maxamed Saalax Annadif ayaa lagu sheegay in AMISOM ay taageerayso go’aanka maamul sameynta dalka ee waafaqsan dastuurka KMG ah.

Danjire, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay taageerayaan halka ay dowladda Soomaaliya iska-taagtay shirarka iska horjeeda ee Baydhabo ka socda, isagoo xusay in AMISOM ay ku taageerayso dowladda qorshayaasha ay ku sameynayso maamullada gobollada dalka.

“AMISOM waxay taageeraysaa go’aanka dowladda ee ku aaddan maamul sameynta gobollada dalka ee waafaqsan dastuurka dalka. Sidoo kale waxaan taageeraynaa heshiiskii bishii Ogoosto lagu gaaray Addis Ababa, waxaana dhinacyada ay quseyso arrinta maamul sameynta aan ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan xasilloonida; ayna ku saleeyaan maamul sameynta dastuurka dalka u dagsan,” ayuu yiri Dajire Anaadiif.

Ergaygu wuxuu intaas ku daray in mid ka mid ah shirarka ka socda Baydhabo lagu dhisay maamul goboleed ka kooban lix gobol, isagoo ka digay in arrintaas ay muran dhinaca siyaasadda ah dhaliso. Isagoo xusay inay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay iska kaashanayaan ka hortaggan khalalaase walba oo dhaca.

Ergayga UN-ka u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa dadka ku dhaqan Baydhabo kula taliyey iney taxadar muujiyaan, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245