AMISOM Oo Sheegtay Iney Alshabaab Ka Saarayaan Degmada Baraawe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM Oo Sheegtay Iney Alshabaab Ka Saarayaan Degmada Baraawe

Muqdisho, Mareeg.com: Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, islamarkaana ah madaxa AMISOM Mohamed Salleh Annadif ayaa sheegay in sanadkan cusub ee 2014 ay Alshabaab ka saari doonaan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Annadif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in degmada Baraawe ee xeebta ah, kuna taalla gobolka Shabeellaha Hoose ay Alshabaab ka helaan dhaqaale xoog leh, sidaas dardeedna ay qasab tahay in sanadkaan magaaladaas Alshabaab laga saaro.

Wuxuu sheegay Annadif in waqtiyada ugu horreeya sanadkaan ay qorsheynayaan in AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ay weerar ku qaadaan degmada Baraawe oo ay ku taallo deked dabiici ah oo laga dhoofiyo dhuxusha.

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ayaa ku sugan deegaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, sida Marko, Janaale iyo meelo kale oo xiga dhanka degmada Baraawe.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!