Read Time:53 Second
Mareeg.com-AMISOM ayaa waxa ay ka hadashay shil mid kamid ah gaadiidkooda uu ku galay maalintii Jimcaha aheyd Magaalada Muqdisho, kadib markii uu dar-daray labo qof oo mootao watay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mahamat Saleh Annadif uu raali gelin ka bixinayo shilkaasi dhacay iyo waxa uu sababay intaba.
Shilkaan ayaa ka dhacay meel kudhaw Bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana ay aheyd xilliga uu dhacaye 5:45 galabtii Jimcaha ee aan soo dhaafnay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada ruux ee mootada saarnaa uu geeriyooday, halka midka kalena intii isbitaalka loosii waday uu dhex ku dhintay.
Gaadiidka AMISOM ayaa xilliyada ay marayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho waxa ay ku socdaan xawaaro dheereeyo, taasi oo keenaysa in gaadiidkooda ay shilgalaan.
Ma ahan markii u horeysay ee Gaadiidka qafilan ee AMISOM ay wadooyinka Muqdisho ku jiiraan dad rayid ah, hase ahaatee shilkan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa oo labo ruux uu mar qudha uu gaadiidkooda jiiro.