AMISOM oo madaafiic ku garaacday deegaan ka tirsan degmada Mahadaay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM oo madaafiic ku garaacday deegaan ka tirsan degmada Mahadaay

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheeegaya in ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan ay madaafiic ku garaaceen deegaano dhaca bannaanka degmada, halkaasoo la sheegay iney ku sugnaayeen Alshabaab.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, madaafiicdan laga tuuray Saldhiga Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Mahadaay ayaa laga maqlayay inta badan degmada iyo tuulooyinka ku dhow dhow, waxeyna goobjoogayaal sheegeen iney arkeen holac iyo qiiq ka baxayay halka lala bartilmaameedsaday duqeyntan.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay, Axmed Xuseen Afrax oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in duqeyntu aheyd mid lagu burburinayay saldhig ciidan oo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaan u dhow degmada Mahadaay.

Dhawaan ayaa Alshabaab xilli habeen weerar ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi ay ku leeyihiin degmada Mahadaay, waxaana loo badinayaa in duqeyntu ay jawaab u aheyd weerarkaas.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!