Muqdisho, Mareeg.com: Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka adag ee soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka madaxda dowladda, kaasoo uu sheegay inuu hakad ku keeni karo horumarka dalka.
“AMISOM aad ayay uga xun tahay khilaafaad inay dhacaan, wuxuu dib u dhac ku keeni karaa horumarkii socdad”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Xumud.
Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in madaxda dowladda ay kala dhex galaan, isla markaana ay talooyin ka geysan doonaan sidii lagu xalin lahaa khilaafka.
Afhayeenka ayaa dhanka kale ka hadlay roobab dabeylo watay oo ka da’ay deegaano ka tirsan maamulka Puntland oo dadka badani ay waxyeelo ka soo gaartay waxaana uu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkii saameynta ay ku yeesheen roobabkaasi.
Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM ayaa soo hadal qaaday fatahaadii webiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dagaal beeleedyo deegaano ka tirsan gobolkaasi ka dhacay, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la caawiyo dadka saameynta uu ku yeeshay fatahaadaasi, waxaana dhinaca kale uu ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobolkaasi.
Hadalkan ka soo baxay Taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa uu imaanaya xili dhawaan uu soo shaac baxay khilaaf ka dahxeeya madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Saacid, iyadoo masiibooyin roobab iyo fataahaad ah ka jiraan gobollada Shabeellaha Dhexe, Bari iyo Nugaal.
Mareeg.com