AMISOM oo ka hadashay howlgalkii Wadajir & Debadbax ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM oo ka hadashay howlgalkii Wadajir & Debadbax ka dhacay Muqdisho

Mareeg.com: War saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu faafaahiyay dagaal saaka ka dhacay Degmada Wadajir kaaasi oo dhaxmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Maleeshiyo daacad u ah Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Axmed Daaci.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in iyagoo caawinaya Ciidamada Amaanka Somaaliya ay weerarakaasi qaadeen si ay usoo qabtaan hub sharci daro ah balse ay is difaaceen Maleeshiyaadkii taabacsanaa Axmed Daaci taasi oo badisay tirada khasaaraha.

AMISOM ayaa ayaa sheegeysa in intii uu socday dagaalkii saaka ay kusoo qabteen 20-kamid ah Askartii dagaalka kala hortimid sidoo kalena ay la wareegeen Hub ay kamid yihiin 15-qori oo ah kuwa fud fudud iyo Saanad Milatari.

Afhayeen u hadlay Hay’adaha Amniga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu qeyb ka ahaa qorshaha sugida Amniga ee Dowladdu ay wado.

inkabadan 10-qof ayaa ku geeriyooday dagaal saaka Xaaafada Wadajir ku dhaxmaray Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda iyo Maleeshiyo daacad u ah Gudoomiyihii hore ee Wadajir AXmed Daaci.

7-dii August 2014, Golaha Wasiirada Somaaliya ayaa meelmariyay qorshaha xakameynta hubka waxaana markaasi kadib soo badanaya talaaboyinka Ciidamada Dowladdu ay hubka uga dhigayaan shaqsiyaadka ka madax banaan Dowladda.

Dhanka kale, waxaa manta debadbax looga horjeeda weerarkas lagu qaaday Axmed Daaci iyo C/laahi Sheekh Xasan ka dhacay degmada Kaaraan.

Dad careysan oo taageesan labadaas siyaasi ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee xarrunta maamulka degmada Kaaraan, waxaana halkaas dadku ku gubeen taayaro.

Ciidamada booliska ayaa la sheegay iney rasaas ku kala ceyriyeen dadka, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu jiro khasaare dadkaas soo gaaray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!