AMISOM Oo Ka Hadashay Dagaalo Ka Dhacay Jubada Hoose Iyo Sabeellaha Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM Oo Ka Hadashay Dagaalo Ka Dhacay Jubada Hoose Iyo Sabeellaha Hoose

Muqdsho – Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ayaa weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Xagar oo 50 km waqooyi uga beegan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sidaa waxaa laga xoo xigtay AMISOM.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayaa waxay sheegtay in weerarku uu dhacay 11:00 ee shalay oo Khamiis ahayd ay ku dileen toddoba ka mid ah xoogagga Al-shabaab, ayna ku qabsadeen gaadiid ciidan iyo qalab isgaarsiinta loo isitmcalo.

Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dib u soo cusbooneysiinta dedaalada Al-Shabaab looga saarayo deegaanadda ay weli haysato.

Danjire Annadif wuxuu xusay in ay AMISOM sii wadi doonto ka hortagga xarakada Alshabaab iyo taageerida shacabka Soomaaliyeed.

“AMISOM waxay sii wadi doontaa howlgallada ka dhanka ah cadowga nabadda iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed si ay awood ugu helaan dib u dhiska dalkooda,’ ayuu Anaadiif ku yiri warsaxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay AMISOM iyo ciidamada dowladda howlgal wadajir ah uga saareen Al-Shabaab deegaanka Gendershe oo isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Marka oo xarun u ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Kenya oo laga saarayo magaalada Kismaayo ayaa horay u sheegay iney u dhaqaaqayaan degaano kale oo ka baxan magaalada oo Alshabaab maamulaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!