AMISOM oo hakisay ciidamo uga imaan lahaa Galbeedka Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM oo hakisay ciidamo uga imaan lahaa Galbeedka Afrika

Mareeg.com: Midowga Afrika ayaa shaaciyey inuu hakinayo ciidamo dheeraad ah oo ug imaan lahaa dalalka Sera Leone iyo Nigeria oo dhaca Galbeedka Afrika, halkaasoo uu aad ugu baahaya cudurka halsita ah ee Ebola.

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in la joojiyey ciidamada AMISOM uga soo biiri lahaa dalka Sera Leone.

“Waxaa Midowga Afrika go’aan ku gaaray in la hakiyo ciidamo badel ah oo ka imaan lahaa dalalka Sera Leone iyo Nigeria, maxaa yeelay waxaa dalalkaas ku faafay cudurka Ebola ee halista ah” ayuu yiri Col Xumud oo la hadlay BBC.

Col. Xumud ayaa sidoo kale sheegay in la joojiyey fasaxyadii la siin jiray ciidamada ka yimaadda labadaas dal oo ka mid ah dalalka uu ku faafay cudurka Ebola.

Sababta Midowga Afrika uu u hakiyey ciidamada ka imaanaya galbeedka Afrika ayaa ah iyadoo laga cabsi qabo iney cudurkaas keenaan Soomaaliya oo ku dhex faafo ciidamada AMISOM, kadibna usoo gudbo dadka Soomaaliyeed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!