AMISOM oo Ciidamadooda ugu baaqday Sugida Amniga xilliga Cod bixinta Dalka

Read Time:49 Second

Kismaayo ( Mareeg)-Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa ku baaqay feejignaan dheeraad ah oo ay sameeyaan  Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya si ay uga hortagaan weeraro  ay geeysan karaan Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen.Cismaan Nuur Subagle oo dhawaan booqday Magaalada Kismaayo ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay wax ka qabashada dhinaca Amniga ee dhamaan goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Somalia.

Mr Subagle ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee Magaalada kismaayo ayaa sheegay in wada shaqeynta Ciidamada dowladda Soomaliya iyo nabad ilaalinta Midowga Africa ay muhiim u tahay wax ka qabashada Amniga iyadoo laga cabsi qabo weeraroAl Shabaab ay ka fulin karaan Somalia xilliyada doorashooyinka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday kulamo looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa Amniga Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee dalka si looga hortago weerarada Al Shabaab ay ku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan hanaanka Doorashooyinka Soomaaliya.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %