AMISOM iyo USA oo ka digay weeraro Alshabaab Ramadaanka ka geystaan MuqdishoM

Muqdisho – Mareeg.com: Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo dowladda Mareykanka ayaa ka digay weeraro Alshabaab Muqdisho ka geystaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Digniino ay saareen Mareykanka iyo AMISOM ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujintaan inta lagu jiro Ramadaanka.

Dingiintan waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Al-shabaab ay sheegeen inay sare u qaadayaan weerarrada ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, iyagoo shacabka uga digay inay u dhawaadaan meel walba oo ay degen yihiin dowladda iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo nafteedu ka cabsi qabta weerarada nuucaas ah ayaa ku dhawaaqday barnaamij loogu magic daray Nabad Ku Afur, kaasoo lagu sugayo amaanka caasimadda inta lgu guda jiro Ramadaanka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245