AMISOM iyo maamulka Baydhabo & Buulo Barde oo ka shiray amaanka

Mareeg.com: Ciidamada Miwodga Afrika ee (AMISOM) ayaa shir looga hadlayay ammaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Bayaay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay waxgarad iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Baay, iyadoo uu shirkaas ka hadlay taliyaha ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

Jen. Gebremedhin Fikadu ayaa kulanka ka sheegay in sababta isu imaadka aheyd in warbixin ku saabsan amaanka lagu kala waato.

“Waxaan isugu nimid xog is dhaafsi ku saabsan amniga, arrintaas oo ah mid muhiim ah” ayuu yiri Jen. Gebremedhin Fikadu.

“Dagaalka Al-shabaab lagula jiro waa mid ay hoggaankiisa leeyihiin Soomaalida, AMISOM waxay halkaan u joogtaa sidii ay u taageeri lahayd maamullada Soomaalida aana uga qaybqaadan lahayn dagaallada lagula jiro Al-shabaab, waanan sii wadaynaa caawinta Soomaaliya illaa nabadda dalkan lasoo celinayo,” ayuu sidoo kale Jen. Fikadu.

Dhanka kale, gudoomiyaha degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan, Axmed Cali Wehliye ayaa ka warbixiyay kulan saraakiisha dhanka amniga ee Amisom ay la qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

Wuxuu Tilmaamay in sidoo kale kulanka ay qeyb ka ahaayeen Xubno ka socda Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Amniga.

Gudoomiyaha waxa uu sharaxaad ka bixiyay wax yaabaha sida gaarka ah dhinacayada kulankaas ay diirada ugu saareen kulankooda iyo natiijadii kasoo baxday kulankaas.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245