AMISOM: Howlgal qarsoodi ah ayaan ka fulinay Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AMISOM: Howlgal qarsoodi ah ayaan ka fulinay Galgaduud

Mareeg.com: Lydia Wanyoto oo ah Ku-simaha ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, ayaa sheegtay ciidmada AMISOM ee ku sugan gobolka Galguduud ay sameeyeen howlgalo milateri oo qarsoodi ah.

Lydia Wanyotoayaa xustay in ciidamadooda ku sugan Galgaduud weerareen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan oo jaray jidka isku xira degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

Laydia Wanyoto ayaa sheegtay in howlgalku uu ahaa mid lagu furayay jidad ay Al-shabaab xirtay si loo mariyay gargaarka bani’aanimo ee la doonayo in la geeyo deegaannno ka tirsan gobolkaas, iyadoo xustay in howlgalkooda uu salka ku hayay codsi ay dowladda Somalia horay ugu soo gudbisay.

“Howlgalkii ugu dambeeyey ee qarsoodiga ahaa ee ay fuliyeen ciidammadeenna ku sugan gobolka gobolka Galguduud wuxuu kusoo beegmayaa xilli muhiim ah oo ay dalka oo dhan ka socdaan wajigii labaad ee howlgalkeenna kaasoo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka,” ayay tiri Wanyoto.

“Sidaa daraadeed, kani waa mid ka mid ah howlgallada muhiimka ah ee Al-shabaab looga sifeynayo dariiqyada ay xireen si sahayda gargaar ee la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu wax yeelleeyeen loo mariyo, runtiina waan ku fasaxsanahay tallaabada deg-degga ah ee ay qaadeen ciidamadeenna, isagoo ahaa farriin loo dirayo Al-shabaab oo caadeysatay inay si mas’uuliyad darro ah u jaraan waddooyinka gala deegaannadii laga qabsaday.” Ayay sidoo kale tiri Lydia Wanyoto.

Lydia Wanyoga oo sii hadlayaysay ayaa sheegtay in howlgalkan uu yahay kii ugu horreeyay noociisa oo ay fuliyaan ciidamada AMISOM, iyadoo xustay in uu la jaan-qaadayo howl-galka Badweynta Hidiya ay ugu magac-dareen ee ka socda gobollada dalka qaarkood, taasoo ay qayb ka tahay in la furo jidadka isku xira magaalooyinka Al-shabaab laga saaray oo dhan.

Ugu dambeyn, ku simaha ergayga Midowga Afrika waxay sheegtay inay tani ka mid tahay howlaha ay AMISOM u joogto Soomaaliya, ayna ka go’an tahay inay sii wadaan howl-gallada ay Al-shabaab kaga nadiifinayaan guud ahaan Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!