Amiiro Al Shabaab ah oo isa soo dhiibay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Amiiro Al Shabaab ah oo isa soo dhiibay

Mareeg.com-Sargaal uhadlay Ciidanka Meliteriga Somaliya ee kusugan Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu shaaca ka dhigay inay isku soo dhiibeen Hogaamiyeyaal katirsan Al Shabaab.

Korneel Cusmaan Cabdi Muumin oo ah abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay inay isku soo dhiibeen xubno katirsanaa Al Shabaab Amiiradooda.

Waxa uu Korneel Muumin ayaa sheegay in Afar ka mid ah Saraakiisha Al Shabaabka ahaa ay si nabad ah isku soo dhiibeen halka midka shanaadka ay xoog uga soo wadeen deegaanka Halgan gobolka Hiiraan.

Korneel Cumaan Cabdi Muumin waxa uu sheegayaa in gobolka Hiiraan ay ka sifeeyeen intiisa badan Ururka Al Shabaab iminkana ay ku dhuumaaleysanayaan buuro ku yaalla Duleedka Maxaas ayna ku rajo weyn yihiin ka hortaga weeraro ay halkaasi kusoo abaabulayaan sida uu hadalka u dhigay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!