Mareeg.com: Khalaafada Islaamiga ah ama Daacish ayaa sii daysay cod ay ku sheegtay in uu duubay hogaamiyaha kooxdaasi, Abubakar Al-baqdaadi.
Ma ay jirto cid madaxbanaan oo xaqiijisay in codkaasi uu isaga yahay, balse khubaro garanaysa ninkaasi ayaa sheegtay in codka uu u muuqdo midkii Baqdaadi.
Albaqdaadi ayaa Muslimiinta ugu baaqay iney u soo haajiraan dhulka Khalaafadu maamusho ee Suuriya iyo Ciraaq.
Bishii Maarso ayaa la sheegay in uu dhaawac xoog leh soo gaaray ninkaasi. Balse hadalkiisan ayaa waxa uu meesha ka saarayaa wararkii sheegayay in uu malaha geeriyooday.
Qofka cajadalan soo duubay ayaa waxa uu soo xiganayaa aayado quraan ah, waxa uuna isku dayayaa in muslimiinta dunida uu ku qanciyo in ay kooxdiisa ku soo biiraan.
Arrinta ugu muhiimsan waxa ay tahay in uu khudbadda ku xusay duqeynta uu Sucuudigu horkacyo ee lagu hayo dalkaasi Yemen, taasoo ka dhigan in cajaladan la duubay 7 usbuuc ee la soo dhaafay.
13-kii bishaan May, duqeyn diyaaradeed ayaa gudaha Ciraaq lagu dilay Amiirka labaad ee Daacish, Abdul Rahman Mustafa Mohammed, oo ku magac dheeraa “Abu Alaa al-Afri” sida uu xaqiijiyey Gen Tahsin Ibrahim oo ah afhayeen u hadlay wasaraadda difaaca Ciraaq.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.