Mareeg Media
Somalia

Amb.Dahir Gele “Awooda xafiiskeeyga qof iga sareeya ma qaadan karin qof iga hoseyana kuma dhiiran karin”

Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta ambasator daahir maxamuud geele oo manta ka qeebgalay madasha  WACYI FORUM ayaa ka dhawaajiyay wax yaabihii ugu weynaa ee keenay in uu iska casilo xilkiisa suaalo dhoowr ah oo ay dadka weydiiyeen ayuu kaga jawaabay halkaas.

Maxaa keenay in aad is casisho ma waxaad ogaatay in xilka lagaa qaadi rabo?

 

Ambasator daahir maxamuud geele  “ Dowladeeyda waxaan hubaa in ay ku qanaacsaneed shaqadeeyda sidaa wax u wadano ay la dhacsanaayeen xiriirkeena shaqsiga ah ma xumaan siyaasada kaliya Ayaan ku kala aragti duwanhay,

Iyagu waxeey aaminsanyihiin in ay dadka ka adkaadaan sudidas ayeena rabaan lakin aniga waxaan aminsanhay dadka in lala hishiiyo. Aragti ay maamul goboleedyada kaleeyhiin mid kaduwan Ayaan qabaa aniga .

Waxeey aaminsanyihiin in somaliya waryaa wax ku leedahay halka aan anigana aaminsahay in somali walaaloow wax ku leedahay, kala aragti duwanaantaas mooyee xumaan kale ayna jirin.

 

Waxuu kalo sheegay inta uu xilka ka tagin in dowlada ay aad ugu qancsaneed sida uu shaqada u wado lkn aragtida ay aminsanyihiin ay sababtay in uu is casilo.

Qaabka dalka loo hogaminaayo iyo qaabka ay wax u wadeen Ayaan ku qanci waayay, awooda xafiiskeeyga leeyahay qof iga sareeya ma qaadan Karin qof iga hoseyana kuma soo dhiiran Karin.

 

Wasiirkii hore ee Warfaafinta ambasator Dahir Geele ayaa sidoo kale sheegay in aragtida maamul goboleedyada ay ka aaminsanyihiin ay kamid tahay sababaha keenay inuu iska casilo xilka waxuuna sheegay in xukuumadan maamul goboleedyada ay u aragto wax lagu kala furaayo dowladnimada Soomaaliya.

waxuu yiri” maamul goboleedyada waxaan u arkaa in ay yihiin hanaan isku keenaayo soomaalida iyo iftiin magaala walba kasoo bilaabanaayo ilaa uu isku xero magaalada kale.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO

Daahir Geelle

"Nabad & Nolol Dadka in ay adkaadaan ayay rabaan aniguna Dadka in lala heshiiyo ayaan qabaa!Danjire #Daahir #Geelle

Posted by Mustaqbal Radio on Friday, 4 October 2019

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!