Amaro adag oo lagu soo rogay dadka Al-Shabaab u doonta Garsoorka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Amaro adag oo lagu soo rogay dadka Al-Shabaab u doonta Garsoorka

Maamulka degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa awaamiir culus ku soo rogay shacabka ku dhaqan degmadaas ee deegaanada Al-Shabaab u doonta Garsoorka.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa digniin u diray shacabka deegaanka ee Al-Shabaab u doonta garsoorkooda, waxaana uu ugu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in cidii lagu arko iyadoo Al-Shabaab u aada Garsoor in la ganaaxi doono $3,000 (Saddex Kun oo dollar), isla markaana ciqaab adag la kulmi doonto.

Waxaa uu sheegay in maamulka degmada Beledxaawo iyo Al-Shabaab aanu ka dhaxeyn wax heshiis ah, sidaas darteed aan marnaba la ogolaan doonin dadka la macaamila ama garsoorkooda aada.

Maamulka degmada Beledxaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay soo saaray awaamiir ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo ku amray Xaasaska ay qabaan ragga Shabaabka ka tirsan iyo carruurta inay isaga baxaan degmada, taasoo keentay in Al-Shabaab kaga jawaabaan inay degmada go’doomiyaan.ka

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!