Amar Lagu Bixiyay In La Xiro Saraakiil Ka Tirsan CID-da — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Amar Lagu Bixiyay In La Xiro Saraakiil Ka Tirsan CID-da

Maxkamadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar ku bixisay in la soo xiro labo Sarkaal oo loo heysto in ay ka dambeeyeen xarigga agaasime waaxeed ka tirsan Wasaaradda Gargaarka  Maareynka musiibooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  Muuse Maxamed,oo saaka dhegeystay dacwadda agaasimaha xiran ayaa amray xarigga labada sarkaal.

Saraakiisha la amray in la soo xiro waxaa ay ka tirsan yihiin laanta Dambi baarits aee C.I.D,waxaana lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Axmed iyo Farxaan Cabdi Xakiin Mursal.

Daahir Nuur oo ah agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka ayaa Khamiistii xilli saqdhexe ah lagala baxay Gurigiisa isaga oo lagu eedeeyay in uu lacag dhan $84,000 oo dollar ka lunsaday Wasaaradda.

Saraakiisha Xariggooda ay amartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa loo heystaa in xarigga agaasimaha aysan waddada sharciga ah u marin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!