Amaanka xarrunta Golaha Shacabka Soomaaliya oo saaka la adkeeyey (Maxaa Cusub?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Amaanka xarrunta Golaha Shacabka Soomaaliya oo saaka la adkeeyey (Maxaa Cusub?)

Mareeg.com: Amanaanka hareeraha baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka aad loo adkeeyey, iyadoo ay halkaas kusii qulqulayaan xildhibaanada, xiili la filayo in Golaha Shacabka la horgeeyo mooshin kalsoonida loogala laabanayo R/wasaare Cabdiweli, kaasoo ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay lagu arkayaa waddooyinka ku hareereysan xarunta golaha shacabka, iyadoo mudaneyaasha baarlamaanka ay maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho sida lagu sheegay war ka soo baxay xoghaynta Baarlamaanka.

Xildhibaan Caadil Sheegoow Sagaar oo ka mid ah xoghaynada baarlamaanka ayaa fariin u diray xalay xildhibaanada iyo warbaahinta, isagoo sheegay in maanta baarlamaanku uu kulmi doono kana hadli doono mooshinka xukuumadda iyo qodobbo kale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!