Amaanka saraakiisha dowlada oo halis sii gelaya & debadbax Muqdisho ka dhacay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Amaanka saraakiisha dowlada oo halis sii gelaya & debadbax Muqdisho ka dhacay

Mareeg.com: Xilli uu sii xumaanayo amaanka magaalada Muqdisho oo ay sii badanayaan weerarada lagu beegsanayo mas’uuliyiinta dowladda ayaa waxaa maanta degmada Xamar Jajab ka dhacay dibadbax looga horjeeday falalka amaan darrada ah.

Dadka dibaxa sameynayay  ayaa  dalbanayay  in heyadaha amaanka ay gacan  adag ku qabtaan dadka umada Soomaaliyeed u diidan nabada iyo hormarka.

Gudoomiye ku xigeenka  dhinaca ariamaha buslhada dagmada Xamar Jajab Axamed C/laahi Samoow  oo lahadlay warbaahinta ayaa Sheegay in shacabka Muqdisho aysan u dulqaadan Karin in ay ku dhex dhuuntaan Alshabaab.

Guoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyed in ay garab istaagan laamaha Ammaanka oo ay gacan adag ka geystaan ka hortaga falalka gurrcan oo ay malaagayan dadka kasoo horjeeda  nolosha.

Degmada Xamar Jajab ayaa shalay lagu weeraray xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, waxaana weerarkaas ku dhintay darawalkiisa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya maalmihii lasoo dhaafay , waxaana Magaalada siyaabo kala duwan uga dhacay Qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo loo geestay dad rayid ah iyo kuwa Dowlada u shaqeeya.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay labo Weerar oo mid kamid ah la doonayay in lagu dilo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ,inkastoo uu weerarkaasi ka badbaaday xildhibaanka hasa yeeshee lagu dilay labo nin oo midna darawal u ahaa Xildhibaanka midna ilaalo u ahaa.

Weerarka kale ayaa shalay lagu dilay Taliyihii Waaxda Socdaalka ee garoonka Aadan Cadde Marxuum Maxamuud Cabdi Caddow “Dhabareey”.kadib markii ay kooxo hubeesan Rasaas Culus ku fureen Gaari uu watay xili uu marayay Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale saakay Magaalada Muqdisho ka dhacay Weerar la qorsheeyay kaa oo lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii Dhinaca Arimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Howl-Wadaag Yuusuf Hilaal.

Sadaxdan Weerar ayaa dhamaantooda ahaa mid isku nuuc u dhacay, waxaana fuliyay kooxo hubeesan oo gawaari watay kuwaa oo gaariga ay wataan ku horjarayay gawaarida ay wateen Masuuliyiintan kadibna rasaas ku furayay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!