Amaanka Muuqdisho oo la adkeeyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Amaanka Muuqdisho oo la adkeeyay

Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Banaadir  Col; Bishaar Abshir Geeddi ayaa  sheegay inuu billowday qorshe ay si wadajir ah Ammaanka u wada sugayaan Ciidamada Nabadsugidda ,Boliiska iyo kuwa xoogga Dalka.

Howlgalladani Wadajirka ah ayuu Taliyuhu sheegay in loogu gol leeyahay sidii loo adkayn lahaa ammaanka guud ee Caasimadda Dalka, ayna u kala war qaadan lahaayeen dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Col; Bishaar oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadan uu waajibkoodu yahay adkaynta Nabad gelyada laysku dhafay, iyadoo xilliyada ay howlgalladu jiraanna la xaddidi doono dhaqdhaqaaqyada Ciidamada kale, ciddii jebisana sharciga la hor geyn doono.

Taliyaha Bishaar , ayaa ugu digay Ciidamada aan qaybta ka ahayn howlgalka billowday inay gudaha Magaalada Hub iyo Direysba ku qaataan ,isagoo ku celceliyay in Agab Milliteri loo oggol yahay oo qura Ciidamada markaas shaqaynaya.

Col;Geeddi ayaa ugu danbayntii shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidamada amniga, isla markaana ay u soo gudbiyaan dhibaatooyinka ay maleegayaan kooxaha Nabad diidka ah ee inta badan waxyeellada u gaysta Bulshada Soomaaliyeed

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!