Amaanka Magaalada Muqdisho Oo Saakay Aad Loo Adkeeyay

Waxaa Saakay Waddooyinka Magalaada Muqdisho lagu arkayaa Ciidamo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka oo amaanka si weyn u sugaya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Saaka xiray qaar ka mid ah Isgoysyada Muqdisho sida Isgoyska Taleex lamana oga sababta loo xiray Isgoysyadaasi.

Waxaa sidoo kale ay Ciidamada dowlada Soomaaliya baarayan Gawaarida dadweynaha ay leyihiin.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan doorashooyin waxaana  maalmihii dambe Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugida aad u sugayeen Amaanka Caasimada Dalka.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia