Amaanka Dhuusamareeb Oo Aad Loo Adkeeyey Munaasabada Mowliidka Aawgeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Amaanka Dhuusamareeb Oo Aad Loo Adkeeyey Munaasabada Mowliidka Aawgeed

Dhuusamareeb, Mareeg.com: Ammaanka degmada Dhuusamareeb ee xarrunta gobolka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo berry halkaas laga dhigayo munaasabadda lagu maamuusayo dhalashada Nabigeenna Muxamad ah Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaadaanee.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb oo ay ka taliyaan culimada Ahllusuna Waljamaaca maalmahaan ka socday diyaar garow loogu jiro xuska Nabigeenna Muxamad ah Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaadaanee oo ku began 12 Rabicul Awal ama loo yaqaano bisha Mowliid.

Ciidamo Booliis ah oo aad u farabadan ayaa lagu daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi, kuwaas oo aad ula socda dhaqdhaqaaqa dadka waxeyna xaqiijinayaan ammaanka magaaladaasi, inta ay socdaan qaban qaabada xuska munaasabada xuska Nabdigeenna Muxuamaed NNKH.

Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa halkaasi ka wada qaban qaabada iyo diyaargaroowga xuska nabadigeenna Muxuamed NNKH oo ku asteysan 12 bishan Rabicul Awal ama Mowliid.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More