Alshababaab Oo Ka Hadlay Golaha Wasiirrada Cusub & Ku Biiridda Itoobiya Ee Amisom * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshababaab Oo Ka Hadlay Golaha Wasiirrada Cusub & Ku Biiridda Itoobiya Ee Amisom

Muqdisho – Mareeg.com: Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay ku biiridda ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo golaha waiirada cusub ee dhawaan xilka loo dhaariyey.

Afhayeenka Alshabaab oo wareysi siiyey Radio Al-furqaan oo taageera Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM aysan waxba kusoo kordhin doonin dagaalka ka socda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in Itoobiya horay u joogtay dalka.

“Shaarka AMISOM ee Itoobiya gashatay waxba sooma korhdinayo, xitaa haddii ay shaar Mareykan gashadaan waxba sooma kordhinayaan, gaalo waa isku gaalo, shaatiga AMISOM wuxuu noqday mid lagu xalaaleysto dhiiga umadda Soomaaliyeed” ayuu Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa xusay in dalka Soomaaliya ay kala qeybsadeen dalalka Afrika ee ciidamadu ka joogaan gobolada kala duwan ee dalka, isagoo ku dooday in ciidamada Midowga Afrika kala qeybsadeen dhulka Soomaaliya.

“Itoobiya waxaa la siiyey Baay iyo Bakaool, Uganada iyo Burundi waxaa la siiyey Banaadir iyo labada Shabeele, Jabuuti waxaa la yiri awood badan ma lihide Hiirana qaado, Itoobiyana qeyb kala heysta” ayuu yiri Cali Dheere.

Dhanka kale, wuxuu afahayeenka Alshabaab ka hadlay golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya ee dhawaan xilka loo dhaariyey wuxuuna wasiirrada cusub ku tilmaamay duqmo.

“Kuwa hada la soo dhoodhoobay ee laga keenay meelaha Yurub iyo Mareykanka waa ka doqonsan yihiin kuwii hore” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo tilmaamay in laga soo bilaabo dowladdii C/llaahi Yuusuf la ceyrunayey madaxweynayaasha iyo Raysulwasarayaasha.

Waxaa uu sheegay in Wasiirada cusub ay u beegsan doonana sida Wasiiradii hore oo uu xusay inay ahaayeen kuwo kaga aqoon iyo tayo wanaagsanaa Soomaaliya, isla markaana ay mid mid u beegsan doonaan.

“Sida kuwii hore aan u beegsanay ayaa u beegsaneynaa, walow kuwii hore ay kaga aqoon roonaayeen Soomaaliya, oo ahaa hogaamiye kooxeedyadii, marka kuwaan waa beegsan doonaa hadii aysan towbad keenin oo aanay ka soo laaban”a yuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Wareysiga Radio Alfurqaan la yeeshay afhayeenka Alshabaab ayaa lagu baahiyey baraha Internet-ka ee Alshabaab taageera, iyadoo Radio Alfurqaan ka hadlo degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!