Alshabab oo laga saarey Qoryooley kadib dagaal * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabab oo laga saarey Qoryooley kadib dagaal

Mareeg.com- Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay dhowr jiho ka galeen degmada Qoryooley, isla markaana ay la kulmeen iska caabino adag oo uga imaanayay xoogagii Al-Shabaab ee degmada ku sugnaa.

War qoraal ah oo AMISOM soo dhigtay barta Facebook ayaa lagu sheegay inay kula wareegeen degmada Qoryooley oo qiyaastii magaalada Muqdisho u jirta ilaa 120-KM.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in degmada xaaladeeda degan tahay, isla markaana ay ciidamada si xoog kula wareegeen, kadib markii ay dhowr jiho ka galeen.

“Qoryooley xaalkeeda waa degan yahay, ciidamada xooga dalka ee sooma jeestayaasha iyo kuwa AMISOM ayaa afarta barjo ka galay, dhanka Baydhabo ka imaada, jidka dhinaca Toora Toorow, jidka Danaw iyo Shalanbood, nimankii nabad diidka waa ka carareen”ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Mr Siidii ayaa sheegay in degmada ay ku sugan yihiin Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka, taliyaha Ciidamada Uganda ee howl galka hogaaminaya iyo saraakiil kale, isagoo xaqiijiyay in goor dhow ka warbixin doonaan dagaalada.

Dhinaca kale Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerar rogaal celin ku qaaday degmada, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana ka barakacay degmada dadkii deegaanka ee ku sugnaa.

La soco wixii warar ee ku soo kordha wararkeena

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!