Alshabaab: Waan sii wadeynaa dilka dadka aan Muslimka aheyn ee Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab: Waan sii wadeynaa dilka dadka aan Muslimka aheyn ee Kenya

Mareeg.com: Alshabaab ayaa hanjabaad cusub u diray dowladda Kenya, waxeyna sheegeen iney beegsan doonaan dhamaan dadka aan Muslimka aheyn ee ku sugan gobolka Woqooyi Bari.

Madaxa Alshabaab u qaabilsan Jubooyinka, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo wareysi siiyay idaacadda Alshabaab ee Andalus ayaa soo dhaweeey dilka 28-kii ruux oo lagala degay bas ka baxay Mandheera, kuna sii jeeday Nairobi.

C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in maadaama Kenya xanuunjisay dadka Soomaaliyeed ay Alshabaabna xanuunjinayaan dadka Kenya.

“Aad iyo aad baan usoo dhaweynaynaa gaalada Kenyanka ah ee lagu xasuuqay Mandheera, maxaa yeelay waxey xasuuqeen dad aan waxba galabsan uu dhulkooda jooga” ayuu yiri C/raxmaan Xudeyfa.

“Waxaa inoo ballan ah inaan sii wadno ficilkaas iyo kuwa la mid ah” ayuu Xudeyfa hadalkiisa sii raaciyey, wuxuuna tilmaamay in dadkii la laayey ay ahaayeen kuwa u sii socday ciidda Kiristaanka.

Sarkaalkan ka tirsan Alshabaab ayaa yiri “Dilkii loo geysto gabar Muslimad ah oo Jubooyinka joogta waa loo aarayaa”.

Isagoo sii hadlaya ayuu xusay inaan Alshabaab aqbali doonin in Kenya oo heysata Mandheera iyo meelo ka mid ah Soomaaliya ay dadkeeda aan Muslimka aheyn ay babas ugu kala safraan Mandheera iyo Nairobi.

22-kii bishaan, Alshabaab ayaa deegaan lagu magacaabo Carabiya ku joojiyey bas ka baxay Mandheera, kuna sii jeeday Nairobi, waxeyna dileen 28 qof oo aan Muslim aheyn, kadib markii ay dadka kala sooceen.

La taliye sare oo dhanka sharciga ah oo uu leeyahay madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta ayaa markii falkaas Alshabaab ku kaceen warbaahinta u sheegay in ururkaasi doonayo inuu dagaal diimeed ka dhex abuuro bulshooyinka Kenya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!