Alshabaab: Waan fashilinay weerarki Axmed Madoobe & milateriga Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab: Waan fashilinay weerarki Axmed Madoobe & milateriga Kenya

Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegay iney dhiciseeyeen weerar ballaaran oo deegaanada ay maamulaan ay kusoo qaadeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka JUBA oo ka dhaqaaqay madalaada Kismaayo, islamarkaana gaaraay deegaanka Buulo-guduud oo 30 KM dhanka woqooyi kaga began caaismadda Jubada Hoose.

Wakiilka Alshabaab ee Gobalada Jubooyinka, Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfa, oo la hadlay idaacada Alfurqaan ayaa sheegay ciidamada Kenya iyo askarta Axmed Madoobe ee la socda ay ku jabeen xamlo ay kusoo qaadeen Jubooyinka sida uu yiri.

Cabdiraxmaan Xudeyf ayaa sheegay in ciidamada Kenya iyo askarta Axmed Madoobe ay ka dileen in ka badan 60 askari islamarkaana ay ka gubeen gaadiid ka badan 10 Gaari.

Gudoomiyaha, ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Huwanta ay doonayeen inay la wareegaan Jilib iyo Jamaae, balse wuxuu tilmaamay inay wadada kala kulmeen wax aynaan fileynin, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Huwanta ay ka soo gudbi la’yihiin deegaanka Buulo Gaduud, halkaasoo uu xusay inay ku wajahayaan weeraro si joogto ah kaga imaanaaya dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

Xudeyfa, ayaa dadka deegaanka ku ammaanay inay si diiran kaga qayb qaateen tallaabada dib loogu hakiyay gulufkii ku wajahnaa degmooyinka Jilib iyo Jamaame.

Ciidamada Militariga ee Kenya iyo Ciidanka Maamulka Jubba, ayaa 6-dii bishaan ku dhaqaaqay dhulka ay Al Shabaab ka joogto gobolada Jubbooyinka, iyagoona bilaa dagaal kaga qabsaday deegaanka Buulo Gaduud, oo 30km u jirta magaalada Kismaayo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!