Alshabaab toogtay nin lagu eedeeyey inuu caayayey Nabi Muxamed

Mareeg.com: Alshabaab ayaa shalay fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubada Dhexe ku toogtay in lagu eedeeyey inuu caayayey Nabigeenna Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis Korkiis Ha Ahaatee.

Qaadiga Maxakamadda Alshabaab ee Jamaame ayaa dadka u sheegay in nin lagu lagu magacaabo Maxamuud Mursal Muuse lagu helay in uu aflagaadeeyay Nabiga maqaamka sare leh ee Muxamed Sallallahu Caleyhi Wasallama.

Ninka ayaa lagu toogtay degmada iyadoo ay daawanayeen dad badan oo ka mid ah kuwa deegaanka. Alshabaab ayaa marar badan fuliyey xukunno dil ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245