Muqdisho, Mareeg.com: Al-shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu digay iney tagaan goobaha ay degan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidoo kale xarumaha dowladda Soomaaliya.
Madaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM yihiin bartilmeed Alshabaab beegsanayaan, sidaas darteedna shacabka Muqdisho uu ugu baaqayo iney ka fogaadaan saldhigyadooda.
“Alshabaab waxaa ka go’an iney beegsadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaan dadka ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan baabuurtooda, saldhigyada ay ku sugan yihiin, xarumahooda iyo wasaaradaha dowladda iyo eemalaha gaadiidkoodu istaago,” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Wuxuu sheegay Cali Maxamed Xuseen in goobaha ay beegsanayaan ay ka mid yihiin maxkamadaha iyo xarumaha kale ee dowladda, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay ku beegsadaan dowladda Soomaaliya iyo AMIOSM meel walba wuxuu ugu yeeray cadowga.
Cali Maxamed Xuseen ayaa kia hadlay ciidamada lagu soo kordhinayo AMISOM, wuxuuna ku tilmaamay in taasi muujineyso awood yarida Alshabaab, wuxuuna ku hanjabay iney sii wedayaan dagaalka ka dhanka ah.
“Ciidamada AMISOM ee lasoo kordhinayo waxey cadeyn u tahay tabar darradooda, waxaana naga go’an inaan khasaare gaarsiinno, sida aan khasaare u gaarsiinnay kuwii horay u joogay” ayii sidoo kale Cali Maxamed Xuseen.
Hanjabaadda wakiilka Alshabaab ee gobolka Banaadir ayaa kusoo beegantay xilli milateriga Soomaaliya iyo AMISOM ku hanjabeen iney Ashabaab sanadka cusub ka saarayaan gobollada ay gacanta ku hayaan.
Mareeg.com