Alshabaab oo xeebta Cigo ka afduubtay Shaqaale doon oo reer Iran ah

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Alshabaab ayaa shalay xeebta deegaanka Cigo ee degmada Ceeldheer gobolka Galgaduud ka afduubtay 14 shaqaale ah oo la socday doon ay Iran leedahay oo kusoo caaryiday xeebtaas.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Masagawaa,  dad kalluumeysato ah ayaa Alshabaab ku wargeliyey in doon ay la scodaan dad ajnabi ah kusoo caaryiday xeebta Cigo.

Ciidan ka socda Alshabaab oo ka kala baxay degmada Ceeldheer iyo Masagawaa ayaa gaaray goobta doontaasi taallay, waxaana halkaas laga soo qabtay shaqaalihii la socday ee reer Iran ahaa.

Sida ay Mareeg Media u sheegeen dada ku sugan Masagawaa, shaqaalaha reer Iran ayaa la geeyey halkaas, waxaana kadib loo sii gudbiyey degmada Galhareeri oo ah saldhiga Alshabaab ugu weyn ee gobolka Galgaduud.

Warar laga soo xigtay dadka deegaanka ayaa sheegaya in shaqaalaha reer Iran ee gacanta u galay Alshabaab ay sheegeen iney yihiin dad Sunniyiin ah oo aysan aheyn Shiico.

Lama oga waxa Alshabaab ka yeeli doonaan shaqaalaha reer Iran ee ay afduubteen, iyadoo la ogyahay iney horay u sii daayeen shaqaale Markab Kenya oo dadkii la socday ay noqdeen Mulimiin.

Mareeg Media 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.