Alshabaab oo xalay weeraro kala gedisan ku qaaday Mahadaay iyo Buulobarde

Read Time:1 Minute, 0 Second

Mahadaay – Mareeg.com: Alshabaab ayaa xalay weeraro kala gedisan ku qaaday degmooyinka Mahadaay ee Shabeellaha Dhexe iyo Buulobarde ee gobolka Hiiraan.

Degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan, waxey Alshabaab dhowr hoobiye ku rideen degmada Buulobarde, lamana sheegin dhib ay geysteen.

Col. Cismaan Cabdi Muunim, taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Buulobarde ayaa sheegay iney Alshabaab hoobiyaal kazoo tureen deegaan 2KM u jira degmada, islamarkaana aysan geysan wax khasaare ah.

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay uu dagaal xoog leh ka dhacay degmadaasi kadib markii ay ciidamo taabacsan Alshabaab ay saqdii dhexe weerar ku soo qaadeen.

Dhanka degmada Mahadaay, Alshabaab weerarary fariisin ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ku leyihiin halkaas, waxaana dhacay dagaal socday qiyaastii muddo nus saac ah.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo hugunka rasaasta iyo madaafiicda la is weydaarsanayay laga maqlayay meelo ka fogfog degmada Mahaday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ah ee ku saabsan weerarkii xalay lagu soo qaaday degmada Mahaday.

Alshabaab ayaa dagaalkooda u badelay ku dhufo oo ka dhaqaaq, kadib markii ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ka qabsadeen inta badan magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %